WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo beenisay inay weerar ku tahay Saadaq JOON

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay warar saacadihii lasoo dhaafay sheegayay in dowladda ay qorsheyneyso inay weerar ku qaado Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Xasan Cumar Saadaq Joon.


Wasiirka Amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda aysan qorshaha ugu jirin inay weerarto Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon.


Waxaa uu sheegay Wasiir Xundubey in haddii ay dowladda rabto inay tallaabo ka qaado Saadaq Joon ay goor hore ka qaadi laheyd, hayeeshee haatan uusan jirin qorshe ku aadan in Saadaq Joon la weeraro.


Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiirka Amniga.

SOMALI NEWS

To Top