Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay ka laabatay dacwadii badda eea Maxkamadda ICJ.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ahaa mas’uulkii hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.
Waxaa soo baxayay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar kuwaasoo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.