WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Doorasho guud oo Itoobiya ka dhaceysa sanadka soo socda iyo wararkii ugu dambeeyay ee Dalkaa-Video

Jigjiga (HM)-Xisbiga hoggaamiya tallada dalka Ethiopia ee EPRDF ayaa ku dhowaaqay Jimcihii shalay in doorasho guud ay ka dhici doonto dalka Ethiopia sanadka soo socda.

Waqti gaar ah looma cayimin doorashada marka laga soo tago in la qabanayo sanadka danbe, ‘’ doorasho guud ayaa ka dhaceysa wadanka sanadkan soo socda , ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xisbiga.

Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay bishii June gobolka Amxaarada ayaa dhaliyay shaki ah in ammaanka uu sugi karo xisbiga xukuma dalka Ethiopia iyadoo ay sii socdaan khilaaf dhinaca qowmiyadaha u dhexeeya oo ka jira gudaha dalkaas.

Balse go’aankan ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya shakiggii ahaa in dowlada Ethiopia ay awoodi karto in la qabto doorasho guud kadib qalqal dhinaca siyaasada iyo ammaanka ee soo wajahay dalka ku yaal Bariga Afrika.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJ KU SAABSAN

SOMALI NEWS

To Top