WARARKA SOOMAALI

Diyaaradii ugu horaysay ee caalami ah oo ku dhawaaqday inay joojisay duulimaayadii Muqdisho-Video

Muqdisho  (HM) – Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay qaaday tallaabo ay si ku-meel-gaadh ah ugu joojineyso duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka, ka gadaal markii la xaqiijiyay in hal qof laga helay caabuqa Coronavirus Isniintii shalay ahayd.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo shalay lagu sheegay in Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, si lagula dagaalamo faafitaanka Caabuqa Coronavirus.

Xanibaadda ay soo rogtay Xukuumadda Muqdisho oo shan iyo toban cisho qaadan doonto ayaa lagu wadaa inay dhaqangasho habeenka Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka bishan Maarso 2020.

HALKAN KA DAAWO WARARKA

Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa war qoraal ah oo xalay ka soo baxay ku sheegtay in duulimaadyadii Turkish Airlines ee Magaalada Muqdisho hakad la gelin doono muddo shan iyo toban maalmood ah, ayna bilaaban doonto, ka dib marka ay saaka duulimaadkii ugu dambeeyay uga amba-baxdo Magaalada Muqdisho, iyadoona rakaabka gayn doonto Magaalada Istanbul.

“Xanibaadda lagu soo rogay diyaaradaha ayaa qayb ka ah ka hortagga faafitaanka COVID19, Dowladda Federaalkana waxay sheegtay in la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, oo ay ku jiraan duulimaadyada bani’aadanimada, laga bilaabo maalinta Arbacada ee 18-ka March.” Ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Safaaradda.

Warka ayaa lagu yidhi sidoo kale“Turkish Airlines waxay hakineysaa duulimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, duulimaadkii ugu dambeeyay ee loo qorsheeyayna waxaa lagu taggayaa Istanbul, subaxnimada March 17.”

Turkish Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii ugu horeysay oo caalami ah, oo u hoggaansanta awaamiirtii ay Dowladda Soomaaliya ku xanibtay dhammaanba duulimaadyadii dibadda ka imaanayay.

Caabuqa COVID19 oo si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida ayaa walaac xoogan ku dhaliyay madaxda caalamka, kuwaa oo qaarkood soo saaray amaro lagu joojinayo duulimaadyadii caalamka oo dhan.

 

SOMALI NEWS

To Top