Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo gudaha degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay Abuukaate ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dad ayaa waxaa ay ku warramay in Abuukaataha ay toogteen rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, xili uu ku sugnaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan, isagoo u geeriyooday xabbado looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka.
Abuukaataha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cabdi Maxamed, isla markaana waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.