Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah bilaabaya Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiwaan-gelinaya Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee uu soo saaray Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona la siin doona shahaadada Musharaxinmo.
Xarunta Guddiga doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabada diiwaan-gelinta Musharaxiinta oo gaaraya 10 Musharax oo ku tartamaya Shan kursi oo laga soo dooranayo Koonfur Galbeed.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Liiska xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare ee uu soo saaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa laga reebay Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo.