WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Digniin Culus oo loo diray dalalka faragelinta ku haayo Doorashada Somalia

Baarlamaanka Carabta oo War Cusub kasoo saaray xaaladda dalka Soomaaliya, faragelinta dalalka deriska la ah dalka iyo weeraro geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa marka hore si kulul loogu Cambaareeyay qaraxii bishii lasoo dhaafay dhalinyrada ku dhammaatay ee ka dhacay Maqaayada Devino oo ku taalla meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Baarlamaanka ayaa adkeeyay in weerarada Al-shabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro.

Halkaan Riix si aad u Daawato Muuqaalka Warbixintaan oo xasaasi ah.

 “Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda u garab taagan yahay DFS iyo shacakeeda dagaalka ay kula jiraan waxa loogu yeero argagixisada, waxaanan ka taageeri doonaa tallaabooyinka looga hortagayo ururada Argagixisada ah” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dalalka deriska la’ ah Soomaaliya ay faragelin siyaasadeed ku sameeyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/21, iyagoona Digniin u diray dalalka Gobolka ee faragelinta wada.

SOMALI NEWS

To Top