Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa maalintii shalay kulan iskugu yimid koox isku magacaabay Madasha odayaasha Madasha wada tashiga Somaliland kuwaas oo ujeedka kulankooda ku sheegay in uu salka ku hayo ka hadalka dhalinyaro dhawaanahan Hargeysa ka waday is dhexelka Dhalinyarada Muqdisho iyo Hargeysa.
Xubnahan ayaa waxaa hadalkooda ka muuqday Qabyaalad iyo Cunsuriyad xun iyaga oo dhalinyarada hal-doorka ah ee waxbaratay ku guubaabinayey xasuusinta Dagaalo iyo utubo colaadeed oo sanado badan ka hor dhacay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Arrimaha yaabka leh ee Kooxdan kulanka Hargeysa ku yeelatay ay dhalinyarada ugu Hanjabayeen waxaa kamid ah in talaabo laga qaadi doono haddii aysan joojin arrimaha is dhexelka Bulshada ee ay ka wadaan Hargeysa iyo baraha Bulshada.
Sanadahan dambe waxaa soo badanayey dhalinyaro waxbaratay kuwaas oo si mug leh uga fikiraya Mustaqbalkooda iyaga oo Hargeysa iyo Muqdishoba joogana xidhiidh wanaagsan iyo dadaallo is dhexel dhalinyaro ah ka wada baraha Bulshada.
Horufadhi.com