Dhacdo Naxdin iyo Argagax leh ayaa ka dhacday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii halkaas kufsi wadareed loogu geystay gabar 14-sanno jir oo kamid ah dadka deegaanka.
Gabadha hooyadeed oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in gabadheeda aay u dirsatay suuqa kadibna dib usoo laaban weysay markii aay talefankeedii wacdayna uu dansana meel walba oo aay ka raadisayna aay waysay gabadheeda.
Dhacdadaan ayaa dhacday 17-kii bishan waxaana la sheegay in gabarta ay kufsadeen rag gaaraya 20 oo mudo laba cisho ah haystay gabadha sida aay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelka gabadha.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Dadka kunool deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa siweyn uga argagaxay oo qaarkood ay ka naxeen markii ay maqleen, sidoo kalena Arrin Fajaciso ay ku noqotay qoyska iyo Ehelada gabadhada.