Waxaa xalay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho la keenay Meydadka shacab ah oo aan waxba galabsan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen Gobolka Shabeellaha Hoose.
7 Ruux oo dhammaantood dhalinyaro ahaa ayaa Meydadkooda la dhigay Isbitaalka madiina ee Muqdisho, kuwaasi oo lagu laayay deegaanka Golweyn oo hoostega Magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose.
Ehelada dadka la xasuuqay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la dilay aysan waxba galabsan, isla markaana Ciidanka AMISOM ay si bareer u toogteen dadkaas oo qaarkood kala soo baxeen Beer ay ku sugnaayeen.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Ehelada ayaa tilmaamay in dadka la dilay uu kamid ah yahay Odey da’ ah oo lagu magacaabi Cumar Xasan oo loo yaqaanay Ganeey, shaqaalihii ah joogay baarta iyo saddex Darawal oo saameysanayay gaadiid wadada uga halaabay.