Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay kasoo degtay diyaarad siday Carruur kusoo dhaawacantay duqeyn diyaaradaha Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Diyaarada ayaa soo qaaday Lix Carruur ah oo waxyeelado kasoo gaartay duqeyn Kenya ka fulisay deegaanka Ceel-cadde khamiistii lasoo dhaafay, waxaana Mas’uuliyiin la socday diyaarada, Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Axmed Aadan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay Gobolka Gedo kasoo qaaday dadka waxyeelada kasoo gaartay duqeyntii diyaaradaha Kenya ka fuliyeen halkaas.
Carruurta ayaa waxaa Garoonka looga soo qaaday gaadiid Ampalace ah, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.