WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dab xooggan oo ka dhacay Mall ku yaalla Muqdisho & khasaaraha

Dab khasaaro hantiyadeed geystay ayaa waxaa xalay fiidkii uu ka kacay Mall ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana dabkaas uu ahaa mid xooggan lagu guuleystay demintiisa saacado xiriir ah oo uu socday kadib.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo Ganacsi oo ku dhex yaallay Mall-ka gaar ahaan qeybta Carwooyin lagu iibinayey dharka, Qaar kamid ah Ganacsatada ku hanti weyday dabka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan, isla markaana uu baabi’iyay goobo Ganacsi.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dabka uu markii hore ka bilowday Haamo, kadibna uu kusii faafay qeybo kale, sidaasina uu dabka ku xoogeystay. Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi ka kacay Mall-ka ku yaallay magaalada Muqdisho .

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa sidaan oo kale Suuqyo waaweyn oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga kacay dabab xooggan oo khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan geystay.

DAAWO: Dab xooggan oo ka dhacay Mall ku yaalla Muqdisho & khasaaraha
To Top