WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Culimadda Soomaaliland oo Muuse Biixi ku taageeray Dagaalka Tukaraq,Puntland waa Qabiil-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Qaar ka mid ah culimadda Soomaliland oo kulan Magaalada Hargeysa kula qaatey Habeen hore Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku garab istaagay Somaliland dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ka dib markay ku eedeeyeen Puntland inay soo weerartey dhulka Somaliland waa sida ay hadalka u dhigeene.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sheikh Cabdulaahi Sheikh Cali Jawhar oo ka hadlay xafladda lagu qabtey Hargeysa ee uu Muuse Biixi Goob jooga ahaa ayaa si gaar ah talooyin ku saabsan colaadda u dhaxaysa labada maamul u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku qanciyay markhaati inay uga yihiin in la soo weerarey oo laga gardaran yahay Ciidanka Somaliland ka jooga Tukaraq.

Hadalka Shiikh Cabdulaahi ayaa yeelanaya waji ka duwan habkay Culimada Puntland uga hadleen colaaddaas oo hab dhexdhexaadnimo ay ku muujinayaan mar sii horeysay baaq nabadeed iyo xabad joojin ugu direy labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

 

 

SOMALI NEWS

To Top