WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ciidankii ugu badnaa ee loo diyaariyey Dagaalka AS oo ka baxay Muqdisho

Waxaa duleedka Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa oo loo diyaariyey in ay ka qayb qaataan dagaalka dalka looga xoraynayo kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale deegaanka Gubadleey ayey isku diyaariyeen qaybo ka tirsan Ciidan Xoogan oo loo diyaariyey dib u xoraynta dalka iyo sidii shacab Soomaaliyeed looga dul qaadi lahaa Al-shabaab ee dhibaatada ku haaya.

Ciidankan iyo gadiidkan ayaa waxay qayb ka yihiin abaabul dagaal xoogan oo maalmahan si weyn uga socday Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada lasoo bandhigay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkoodu yabay sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Aadan Yabaal.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka socda degmada Cadale oo dhawaan ay gaareen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA CIIDAMADA

DAAWO: Ciidankii ugu badnaa ee loo diyaariyey Dagaalka AS oo ka baxay Muqdisho
To Top