WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidanka Duufaan oo qorsheysan laguna qabtay Dad ka fuliyay Muqdisho

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa duufaan ee NISA ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, iyada oo Ciidamada ay baarayeen Guryaha qaarkood.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada ay yihiin kuwo ilaalinaya amniga Bulshada, balse dadweynaha dhankooda looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Haramcad ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in howlgallada ay ka socdaan inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana ay sii wadi doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga Caasimadda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Ciidanka Duufaan oo qorsheysan laguna qabtay Dad ka fuliyay Muqdisho
To Top