Laascaanood ( HM ) Siciid Cawil Jamac ‘Korneyl Caarre’ hoggaamiya Jabhada Dulmi-diid, ee Fadhigiisu yahay duleedka magaalada Qardho ayaa Halkaasi ku soo dhoweeyay Saraakiil iyo Ciidamo kasoo goostay Somaliland.
Hogaanka Sare ee Jabhadda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan Ciidamada Cusub, Waxayna sidoo kale xuseen inay Heli doonaan Xaquuqdooda iyo Qalabka ay u baahan yihiin.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Hargeisa kama Jirto Xoriyad, Xukuumadu waxay u muuqataa Keligii Talis, Waxaana la xidhayaa oo Tacadi lagu samaynayaa, Culimadii, Saxaafadii iyo Abwaanadii, Baarlamaankuna Sharciyad kuma fadhiyo” Ayuu yidhi Caare oo ka hadlayey Xaalada Somaliland.
Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Saraakiisha Hogaaminaysay Ciidamada kala duwan ee kasoo goostay Somaliland, Kuna soo biiray Jabhada uu Hogaamiyo Kornayl Caarre.