WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda Maamulka Somaliland oo qabsaday Degmadda Tukaraq kuna sii jeeda Garoowe-Video

Ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman Noocyada kala duwan ee Hubka ayaa la wareegay degmada Tukaraq oo ahayd halka ugu baqan ee Canshuuraha kaga soo xaroon jirey gobolka Sool Maamulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaana Ciidamadani ay uga sii Jihaysteen dhankàa iyo Xadka geedka caanka ah ee YOOCADA oo u muuqata Madaxtooyada Puntland oo iyadu magaalada ka baxsan .

Gudoomiyaha gobolka Sool ayaa ee Somaliland ii xaqiijiyey warkan, Waxayna Tallabadan kusoo beegmaysa Xilli Madaxwaynaha Somalia uu ku sugan yahay magaaalAda Garoowe isla markaana Maanta ui la balan san yahay Madaxdhaqameedka SSC iyagoo sheegay inay doonayaan inay kala hadlaan Maamu madax banaan oo loo dhiso dadka deegaandani SSC.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi ayaa horey ugu goodiyey inuu weerari doono caasimada Puntland ee Garowe xiligii uu ku jiray tartanka doorashada, waxaana la rumeysan yahay dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland inuu la xariiro imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku maraya deegaanada Puntland.

Puntland iyo Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlan dagaalka la sheegayo inuu ciidamadooda dhexmaray, waxaana horey labadan maamul ugu dhex jiray Beesha Caalamka oo ku cadaadin jirtay labada dhinac inaysan qaadin dagaal militari oo khal khal ku keeni kara gobalka.

SOMALI NEWS

To Top