WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda AMISOM oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyey Kuliyaddii Jaalle Siyaad-Video

Muqdisho ( HM) Ciidamada  AMISOM ayaa waxa ay si rasmi ah ugu wareejiyeen kulliyadii hore ee ciidamada ee magaalada Muqdisho Dowlada Federalka kadib markii ay muddo ka badan toban sano ay saldhig u ahayd ciidamada AMISOM.

HALKAN  KA DAAWO VIDEO

Munaasabad lagu qabtay Dhismaha Kuliyadda ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,taliyaha Xooga Indha-qarshe iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Madax kale,waxaana munaasabadaas dowladda Soomaaliya lagula wareejiyey Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in kuliyadan sideedii hore lagu soo celin doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top