Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Ciidamada qalabka sida ee kala duwan waxaa uu uga digay inay ku milman arrimaha siyaasadda gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka socda dalka.
Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in Ciidamada isku ixtiraaman kala sareynta darajada, ayna iska maqlaan amarada.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Halkaan Guddoomiye Shuute waxaa uu ka sheegay kulan uu kula hadlaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaana Digniinta loo diray Ciidamada ay kusoo aaday, iyada oo dalka ay ka bilaabatay doorashada 2021.