WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif muxuu ka yidhi Xiisadda ka taagan Tukaraq iyo muranka Puntland iyo Somaliland-Video

Cali Khaliif Galaydh ayaa gaadhay Dalka Mareykanka kadib Socdaalo maalmo qaatay oo uu ku joogay deegaanada SSC qaybo kamid ah ka hor socdaal uu kaga soo anba baxay Magaalada Hargeysa oo uu mudoooyinkii dambe ku sugnaa.

Mr Galaydh ayaa xalay halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay Magaalada Minnaeapolis waxaa uu u mahad celiyey Shacabka ka qayb qaatay soo dhaweyntiisa waxaana uu ka hadlay xaalada deegaanadii uu ka yimid,Xiisadda Tukaraq iyo arrimo kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cali Khaliif ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ka bixiyo waxyaabaha u qabsoomay isla markaana uu kala kulmay intuu deegaanadii iyo Somalilad ba ku sugnaa waxaana uu mar su aalo la waydiiyey kusoo koobay in uu marka hore sal dhigto.

 

SOMALI NEWS

To Top