Muqdisho ( HM ) Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay isku Milmeeen hay’adda ammaanka dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu sheegay in Alshabaab ogyihiin dhamaan Waxyaabaha kala duwan ee kasoo dega Dekedda Muqdisho, “ Dowladda malahan istaratiijiyo ay kula dagaalamikarto Alshabab, sanadkaan waxa ay ganacsatada Soomaaliyeed ka qaadeen 20 milyan ilaa 30 oo dollar”. Ayuu yidhi Cabdiraxmaan C.shakuur.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay Dhaqaalle ku iibsadaan dad waxa ay rabaan u Fududaynaya, Wuxuu Sidoo kale xusay in Ganacsatadu ay wakhtiyo badan dawladdu usoo bandhigeen, “Hadaba shabaab iyo Dawladdu ma dad wada shaqaysanayaa “ Ayuu is waydiiyey.