Buuhoodle (HM)-Gudoomiyaha Baarlamaanka maamyulkii iska kala harjaday ee Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan Khaatumo ayaa ka hadlay markii ugu horaysay joogitaanka Buuhoodle wasiiro ka tirsan maamulka Puntland, waxaana uu sheegay gudoomiyuhu in ay ku sugan yihiin deegaanka Buuhoodle xubno wasiiro mudo labaatan maalmood isla markaasna ay wadaan qorshe ay rabaan in Buuhoodle ay ugu dhisaan golle deegaan.
Waxa uu sheegay in Buuhoodle leedahay golle deegaan isla markaasna aysan wadin wasiiradu dhismo golle balse ay wataan qorshe ay iskaga hor keenayaan shacabka waa sida uu hadalka u dhigaye.