Buuhoodle (Horufadhi News)-Beeshe Guuleed Garaad -Barkad oo kamid ah Beelaha Dega Gobalka Cayn ayaa maanta waxaa ay Ciidamo gaadhay 130 Askari iyo Gaadiid Dagaal oo Tikniko ah ku wareejiyeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey oo ku sugan Magaalada Buuhoodle.
Munaasibadda Wareejinta Ciidamadda iyo Gaadiidka Tiknikadda oo gaadhay 4 Gaadhi iyo Hal gaadhi oo nooca Xamuulka ah waxaa goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland qaar kamid ah Isimadda Gobalka Cayn iyo Warbaahinta Qaybaheeda kal duwan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ugu horayn waxaa Madasha lagu wareejinayey Ciidanka ka hadlay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland ,waxaana uu sheegay in ay mar kasta Ciidanka la garan taagan yihiin Tageero Hiil iyo Hooba ah waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa sidoo kale isna halkaas ka hadlay Bashiir Cusmaan Waraaba dheere oo oo isagu wareejinayey Ciidanka iyo Gaadiidka waxaana uu sheegay tiradda Gaadiidka iyo Ciidanka sidoo kale waxaa uu Baaq u diray Beesha Dhulbahante oo uu sheegay in ay ku daydaan iyaga.
Xildhibaanka Beesha Guleed Garaad ee Puntland qaar kamid ah isimadda dhaqanka ayaa iyaguna Bogaadiyey Doorka Beeshe Guuleed Garaad Barkad ee Hubka Gaadiidka iyo Ciidanka maanta ku wareejisay Xubnaha uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Camey oo madasha Ciidanka uu kula wareegayey hadal ka jeediyey ayaa uga mahad naqay Beesha Guuleed Garaad doorka weyn iyo abaabulka ay ka qaadatay Dagaalka lagula jiro Somaliland,waxaana uu uga mahad naqay Ciidamadda iyo Gaadiidka dagaal ay ku wareejisay Beeshu.