WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Boqor Hargaysa Farmaajo fariin uga soo diray Siyaasada Soomalilandna ku sheegay mid Koox u Afduuban-Video

Hargeisa ( HM) Boqor Axmed Iimaan Warsame oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uga mahad celiyey  Gacantii uu ka gaystay Xaalada Abwaan  Cabdilaahi Xirsi Baarleex, oo dhowaan ku geeriyooday dalka Hindiya oo Caafimaad ahaan loogu Qaaday, Sidoo kalana uu Tacsidii ula Qaybsaday Ehelada Abwaanka.

Wuxuu dhinaca kale Boqorku ka hadlay Xaalada Somaliland,  Wuxuuna sheegay inay Jiraan dad badan oo ku dhibaataysan, Wuxuuna xusay inay Cadaalad Darro xoogan ka jirto Somaliland.

Waxaa wax laga waydiiyey  Xubno ka tirsanaa Wasiirada Xukuumadii hore ee Somaliland oo dhowaan ka degay Muqdisho “Qof-walba meesha u roon ayuu tegi doonaa,  Hadii Cadaalad la waayey iyo Somaliland la wada leeyahay.” Ayuu yidhi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Boqorka ayaa wax laga waydiiyey Muqdisho iyo waxa lagu door Bidi karo,  Wuxuuna yidhi.  “Muqdisho waa meel Soomaaliyeed oo Cadaalad Taallo, Lakiin halkan waa meel Koox yar ay ku shaqaysanayso magaca Somaliland ”

Ugu dambayn Boqorka ayaa  Muuse Biixi ku eedeeyay inuu Cadaadis ku hayo Beesha Gabooye oo uu kasoo Jeedo, Wuxuuna sheegay inaanu isaga Madaxwayne u ahayn, Isagoo xusay in meesha haybsoocu ka jiro ay tahay Somaliland oo keliya, Balse Muqdisho, Jigjiga  iyo Puntland ay sharaf iyo Wasiiro buuxa ku leeyihiin.

SOMALI NEWS

To Top