Boorama (HM)-Magaalada Boorama waxaa guri dhamaystiran si rasmi ah loogu wareejiyey Qoyskii iyo Carruurtii uu ka baxay Alle ha uaxariistee Abwaan Cabdixakiim Cabdilaahi oo ku magac dheeraa (Abwaan Qiiq) Gurigan oo ay dhiskiisa door muhiim ah ka qaateen Haween iskugu jira Qurba-joog iyo Haweenka deegaanka, kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyayba si wayn ugu howlanaa hirgalinta Gurigan loo dhisayo Qoyskii iyo Carruurta agoonta ah ee uu ka baxay Abwaanka oo kamid ahaa sugaan yahanka iyo haldoorka magaca ku lahaa guud ahaan Bulshada Soomaalida gaar ahaan Gobolka Awdal.
Dhamaan dadkii iyo martidii kasoo qayb gashay wareejinta Gurigan oo ah mid dhamaystiran ilaa maacuuntiisa ayaa waxaa ay Dadku uga mahadceliyeen dhamaan dadkii ka qayb qaatay talaabadan bogaadinta mudan ee Agoonta Abwaanka Guriga loogu dhisayey oo ay ugu horayso Hodan Maxamed Nuur oo ah iyadu Gabadh Qurba-joogta deegaanka ah taas oo lahayd fikirkan hirgalay sidoo kalena bixisay Booska Guriga looga dhisay Agoonta.
HALKAN KA DAAWO VIDEO KU SAABSAN WARBIXINTA GURIGA
Sawiro