WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay Somaliland

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ka dhacay banaanbax xoogan oo rabshado watay, kaasi oo soo horjeeday Go’aan ay gaartay Maxkamadda Ciidamada Somaliland.

Boqolaal dadweyne ayaa xalay isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Burco, iyagoona ahaa kuwo ka careysasn Xukun xarig ah oo Maxakamadda Somaliland maalmo kahor ku riday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Somaliland.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa taayaro waaweyn ku gubayay waddooyinka, isla markaana ku xiray dhagxaan, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday, iyagoona sheegay inay kasoo horjeedan xukun laba sanno ah oo lagu riday Korneyl Jaamac Doolaal.

Halkaan ka Daawo muuqaalka Banaanbaxa.

SOMALI NEWS

To Top