Garoowe (HM ) Barlamaanka Puntland ayaa Dood ka yeeshay xaalada gobolada Sool iyo Sanaag, Waxayna xukuumada Madaxwayne Siciid deni ka dalbadeen in ay la timaado qorshe cad oo ku saabsan soo celinta dhulka maqan ee Puntland, Kuwaasi oo ay gacanta ku hayso Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdixakiin dhoobo-daareed gabagabadii dooda xubanaha barlamaanka hadlay wuxuu sheegay in Puntland lagu Asaasay shan gobol iyo degmo dhamaantood xor ahaayeen masuuliyadooda iyo ilaalintoodu ku wareegtay dowladii la dhisay.
Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in aan dhul la helin balse dad la heli karo cid walba oo ku dhimanaysana ay waajib tahay in la xoreeyo dhulka maqan wuxuu tilmaamay in dhulka la qabsaday aan laga rabin Cabdulaahi Yusuf oo dhintay iyo Cade Muuse oo laga qabsaday balse waajibkaasi saaranyahay nidaamka dowliga ah iyo cida markaas joogta oo laga rabo in ay dib ugu soo celiyaan gacanta Puntland.