Kismaayo (HM)-Dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa lagu waramayaa in uu xilka ka qaadis ku sameeyay saddex mas’uul.
HALKAN KA DAAWO
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Gedo iyo gudoomiyeyaasha Luuq iyo Baardheere ayaa lagu wargeliyey xilka ka qaadista.
Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay in ay u socdaaleen Muqdisho lana kulmeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa eryida u cuskadey in saddexda mas’uul ku kaceen “falal lagu wiiqayo jiritaanka maamulka Jubaland”.
Villa Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in ayka shaqeyneyso sidii ay saameyn balaaran ugu yeelan lahayd siyaasadda gobolka Gedo.
Jubaland oo cambaareysay isku dayadda Madaxtooyadda ayaa sheegtay in dowladda ay adeegsaneyso ciidamo Itoobiyaan ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ay gobolka Gedo ka dhiseyso “maamul sharci darro ah”.
Bayaanka ayaa lagu waydiistay Beesha Caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii ciidamadaas looga saari lahaa guud ahaan gobolka Gedo.
Xiriirka Jubaland iyo dowladda ayaanan hagaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe.
Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo maamulada dalka ka shaqeynayaan isu soo dhoweynta labadda dhinac.