Laascanood (HM)-Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey shirka Maalgashiga Puntland oo maanta ka furmay caasimdda Puntland ee Garoowe.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa khubaddiisa ku sheegay in shirkani Puntland uu wax badan kusoo kordhin doono shirkan, waxa uu mahad balaadhan u jeediyey Guddiga shirkaan soo agaasimay.
HALKAN KA DAAWO
“Mudanayaal iyo Murwooyin waa arrin bogaadin iyo amaanba mudan in Hoggaanka Dowladda Puntland garowsado xilligan in ay haboon tahay in la yagleelo himilada la xiriirta horumarinta ganacsiga si loo hiigsado koboc dhaqaale oo waara”.
Karaash oo sii hadlaya ayaa waxa uu tibaaxay in xasiloonida siyaasadeed ee ka jirta Puntland ay ka caawineyso ganacsatada in ay horumariyaan ganacsigooda kuna soo hirtaan maalgeshato.
“Waxaa sidoo kale xusid mudan in hada Dowladdu diyaar u tahay xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibeddaba maadaama ay wax ka qabatay waxyaabaha soo jiidan kara maalgashiga, sida xasiloonada ay Puntland ku naaloonaysey mudo ka badan 21 sano iyo abuurida jawi sahli kara horumarinta ganacsiga si loo tiigsado kobcinta dhaqaalaha”.
Ugu dambeyntii, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in shirkan uu noqdo mid guuleysta, isla markaana laga dhexlo hadafyadda loo hirgeliyay oo ah maalgeshi iyo shaqo abuur.
“Hadaba, shirkani wuxuu inoo horseedi doonaa horumar waara oo dhinac kasta ah Insha Alla, waxaana naga go’an in aannu dedaalka intaas ka sii badino, waadna mahadsan tihiin,” ayuu kusoo xidhay Axmed Karaash.
Horufadhi News
