Garoowe (HM)-Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo warbaahinta gudaha lagu faafinayey warar ku saabsan in Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash isku ay isku khilaafeen Isku-Shaaandheyn lagu sameeynayo Golihiisa Wasiirada Puntland,hayeeshee Warkaasi waxaa beenisey Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in maalmahaaan uu maqlayey in khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay isaga iyo Madaxweyne Deni,hayeeshee uu sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa uu sheegay in dadka reer Puntland aysan dhageysan ama akhrisan dadka waxyaabaah qaar sheeg sheegaya,isla markaana qofkii lagu arko lagu ganaaxo.balse uu sheegay hadii ay dhacdo ay khilaafkooda xalisan doonaan.
Axmed Karaash Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa ka gaabsadey ka hadlida wararka sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu isku shaandhey ku sameynayo Golihiisa Wasiirada.