Boosaaso (Horufadhi News) –Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaaday saldhig melleteri oo ciidamada maamulka ‘Puntland’ ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso Gaar ahaan Saldhig ciidanoo ku yaalla Buuraha Galgala.
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan kadib ay xoogaga Al Shabaab usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta Deegaanka Balli Khadar oo uu kuyiillay saldhig Melleteri.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen saldhigga ayna qaatay dhammaan wixii hub iyo Gaadiid ahaa oo ciidamada Puntland ku heysteen saldhigga Balli Khadar sida ay hadalka u dhigeen.
Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarka ayaa lagu sheegay in ay u dhaxeyso 5 Askari illaa 7 askari oo dhimasho ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkayeen Gaadiid gubanaya.
Shabaab waxay sheegtay in dagaalka ay ku qabsatay 8 gaadhi oo nuuca dagaalka ah balse ay gubtay 7 baabuur halka gaadhi Tiknika ah ay kaxeysteen, sidoo kale Keydadkii hubka ciidamada Puntland ee saldhigga Balli Khadar waxaa daabushay ciidamada Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis sida ay iyaga sheegteen.
HALKAN KA DAAWO WARAYSI
17,Ramadaan sanaddii lasoo dhaafay maanta oo kale ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Al Shabaab weerareen saldhig melleteri oo kuyiillay deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari halkaas oo Puntland looga dilay ku dhowaad 100 Askari sida ay sheegatay Al-Shabaab.
Ma jiraan ilaa hada wax war ah oo ku saabsan Dagaalka oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha Puntland ee Dagaalka.
Dagaalkan ayaa dhanka Puntland waxaa uu imaanay xili ay Dagaal iyo xiisad adag kala dhaxayso Somaliland isla markaana Puntland awoodeedii Ciidan oo dhan ay iskugu gaysay jiidaha Gobalka Sool oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamadda Somaliland oo dagaal kula jira.
Horufadhi News