WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Afduub ku cusub Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Masuuliyiinta maamulka degmada Dharkeynley iyo saraakiisha ciidamada booliska degmadaasi ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay baaritaan ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Dharkeynley.

Ciidamada ayaa baaritaankaasi ku baadi goobayay shaqaale la sheegay inay la shaqeynayay shirkad bixisa Adeega Internet-ka oo lagu afduubtay degmada Dharkeynlay.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Dharkenley Abuukar Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay baadi goobayeen dadka afduubta geystay islamarkaana ay soo heleen qofkii la afduubtay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay baxsadeen qaar kamid ah raggii  gaystay afduubka kadib markii ay arkeen Ciidamada amaanka oo ku raad jooga balse ay soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Dharkeynleey ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, darawalkii waday iyo askarii qayb ka ah raga afduubka gaystay.

Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha in raggaani ay ahaayeen Shabakad horay uga jirtay degmada dharkeenley qofkii guri dhisanayana ay ka kaxeysan jireen Ingineerka si ay lacago baad ah uga qaadaan.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo ka dhacday degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir tan iyo sanadkaan 2019.

SOMALI NEWS

To Top