Alle ha u naxariistee Meydka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka, waxaana ka qeyb galay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha.
Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa lagu aasay qabuuraha Isbitaalka Xoogga dalka, waxaana Aaska ka qeyb galay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ehalada Marxuumka, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Ehalada Marxuumka ayaa beeniyay in uu u geeriyooday Cudurka Corona Virus, dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay aaska meydka Allaha u naxariistii Xildhibaan hore Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid.
Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Warbixinta.
