Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulama kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha AMISOM iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo kunool deegaanka Goolweyn ee Shabeellha Hoose.
Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa u sheegay Madaxda AMISOM inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, isla markaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg deg ah u helaan cadaalad.