WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan AS

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano ayaa xalay waxa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Ceel Xasan Cali oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka danbeeyay, kadib markii ciidamada iskaashanayay ay weerar ku qaadeen goob xarun ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana waxaa howlgalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay illaa lix dagaalame oo kamid ahaa Shabaab, kuwaasi oo sidoo kale la qaatay hubkii ay ku dagaalamayeen.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay weli dhulka howdka ah ku sii baacsanayaa firxadka Al-Shabaab ka haray kuwii ku baxay gacanta ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan AS
To Top