WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka41aad gutada 5naad Qeybta-27aad iyo ciidanka  degaanka ayaa howlgal waxa ay saakay ka sameyeen inta u dhaxeeyso degaannada Buuloburde ilaa Halgan ee jiinka wabiga.

Howlgalka ayaa waxa hoggaminayey Taliyaha ururka41-aad gutada 5-aad Qeybta 27-aad Xuseen Xasan Hoorow qeybna uu ka ahay korneel Cabdinasir Cali Cabdi, waxaana lagu burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan.

Deegaanada Berayabal iyo jicibow ayaa kamid ah goobaha Shabaabka ay joogeen ee fariisimaha laga burburiyay.

Ciidamda xoogga dalka iyo kuwa degaanka aya degaanno dhaca koonfurta goblka Hiiraan waxa ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay howlgalka ay sii wadani doonaan.

Si kastaba, Taliyaha ciidanka lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa horey u sheegay in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso inay dhawaan bilowdo wejiga labaad ee dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isagoona xusay inay socdaan qorsheyaal dagaal.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab
To Top