WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Puntland oo Maanta rasaas ku furay  Dad Banaanbax ka dhigayey Boosaaso

Ciidanka Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta rasaas xoogan ku furay dad banaanbax kala hortegay xubno katirsan guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guddigaan oo ah kuwo Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni  u dirtay Boosaaso ayaa waxaa banaanbax kala hortegay oo diiday shacabka magaalada, kuwaasi oo kasoo horjeeda qorshaha socda.

Dadka ayaa kasoo horjeeday qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee ah in 12 degmo laga qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo siyaasiyiintii doorashada kula tartamay Madaxweynaha Puntland ay sheegeen in uu kaga gol leeyahay Madaxweynaha muddo kororsi.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta ay Ciidanka ku fureen dadkii shacabka ahaa, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Boosaaso ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli Magaalada Garoowe ay ka dageen Wafdi caalami ah oo ka socda Beesha Caalamka, sidoo kalena dhawaan maleeshiyaad hubeysan ay si xoog ah kula wareegeen Agab loogu talo galay doorashooyinka.

Ciidanka Puntland oo Maanta rasaas ku furay  Dad Banaanbax ka dhigayey Boosaaso
To Top