WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaano horleh

Ciidamadda dowladda Soomaaliya aar ahaan qeybaha 27-aad iy 21aad ee howlgalka ka wada Waqooyi Bari ee Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ay la wareegeen deegaanka Teedaan ee hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan halkaas oo ka mid ah meelaha ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in ka Ciidamada dowladda ay si nabad ah kula wareegeen degaanka kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo ka warhelay inay kusoo wajahan yihiin Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxay sheegeen in Al-Shabaab ka hor inta aysan ka bixin degaanka Teedaan ay qarxiyeen Ceelkii biyaha ay dadka ka cabi jireen ee degaanka, isaga oo sheegay inay ku raad joogaan Xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay degaanka teedaan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ismaan iyo Saraakiisha ciidamada Guutada 5aad oo  howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ku teedsan demooyinka, Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaano horleh
To Top