Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa saacadihii lasoo waxaa ay howlgal wadajir ah ka sameeyeen deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoostega degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Inta uu socday howlgalka Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa Gololey iyo Ceel-gelow.
AMISOM ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay in xubnahaas Al-Shabaab ay ku wareejisay Police-ka Soomaaliya si ay baaritaan dheeri ah uga sameeyaan.
Hawl-galka ayaa ujeedkiisa ahaa isa socodka wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar laga dhigo mid amaan.
Hawl-gal ayaa imaanaya kadib markii Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen sarkaalka ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, halka Isbuuc horena ay gaari ay la socdeen dad rakaab ah ay qarax miino ku laayeen.
.