WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dolwadda oo dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab & Qaraxyo la…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buulo fulaay ee Gobalka Baay ku dilay 23 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay ku warrantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Hawlgalka koowaad  ayaa waxa uu ka dhacay goob ay fariisimo ku lahaayeen Shabaabka oo ku taalla afaafka hore ee magaalada Buulo fulaay, halka kan labaad laga fuliyay Garaash ay Shabaabka la sheegay inay ku aruurinayeen qaraxyo.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xigatay saraakiil ciidan ayaa sheegtay in in hawlgaladaas lagu dilay 23 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan labo sarkaal.

Howlgalkaan Maanta ka dhacay deegaanka Buulo fulaay ayaa noqonaya kii sadaxaad oo noocaan ah oo bishaan gudaheeda ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku beegsadaan xarumo kala duwan oo Shabaabka ay ku diyaarineysay gaadiid qaraxyo ah,

Ciidanka Dolwadda oo dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab & Qaraxyo la…
To Top