Laascaanood (HM)-Puntaland Ciidamo hubaysan oo saaka muuqaal isaga soo duubay gudaha Gobolka Gardafuu oo ku yaalla bariga fog ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka go’een Puntland islamarkaana ay noqdeen ciidamo degaanka ah oo taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen Ciidamadu.
Saraakiil u hadashay ciidankaas ayaa sheegay in ay caddaalad-xumo ay ka tirsanayaan Maamulka Puntland oo sida ay sheegeen dhegaysan wayday cabashooyin ka jira Gobolka Gardafuu sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay ka baxaan Puntland gabi ahaanba.
Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diiddan yihiin in Ciidamada Badda Puntland ee PMPF la geeyo Gobolkaasi Gardafuu maadaama sida ay sheegayan Gobolka aysan ka jirin Kooxaha argagixisada ah ee PMPF-tu la dagaallanto.
Sidoo kale waxay baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in ay taageerto ciidamadooda inkastoo aysan wax gaar ah ka codsan balse waxay ugu baaqeen inay tageero siiso Ciidanka in kastoo aysan cadeyn tageerada nooca ay noqonayso ay doonayaan.