WARARKA SOOMAALI

Ciidamo iyo Rag hubeysan oo ku dagaalamay xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo xalay fiidkii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysan oo burcad ah ku dhexmartay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaaal ayaa ku warramay in Israsaaseynta ay sigaar ah uga dhacday xaafadda Cali Geedi ee Kaaraan, taasi oo ka dambeeysay, ka gadaal markii rag burcad ah ay doonayeen inay dhac u geystaan dad shacab ah, balse ay warheleen Ciidanka dowladda.

Inta la xaqiijiyay qof ayaa ku geeriyooday rasaasta, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, isla markaana waxaa la sheegay in qofka dhintay uu ka tirsanaa raggii burcada ahaa ee dhaca geysan rabay, kuwaasi oo dadka deegaanka ay cabasho ka muujiyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo tegay goobta uu falku ka dhacay ayaa qaaday Meydka Ninka dhintay iyo  kan dhaawaca ahaa, iyagoona sidoo kalena sameeyay howlgal kooban oo lagu xaqiijiyay amniga.

Dad ku sugan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xiliyada habeenkii ah xaafadaha qaarkood ay rag hubeysan dhac ka geystaan, iyagoona dadka ka qaata telefoonka gacanta iyo waxyaabaha kale ee xiligaas sitaan.

Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xaafadaha degmooyinka qaar ee Gobolka kusoo badanayay dhaca xiliyada habeenka loo geysanayo shacabka, waxaana xusidan in dhowr ah rag burcad ah iyo Ciidanka dowladda ay Israsaaseyn geysatay khasaaro ku dhexmartay Magaalada Muqdisho .

SOMALI NEWS

To Top