Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa hawlgalo Miino baaris ah ka wada degaanka Camaara oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa shalay gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen degaanka Camaara, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay Ciidamada weerareen degaanka.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay degaanka ka nadiifinayan miinooyinka ay ku aaseen Al-shabaab mudadii dagaalladu ka socdeen Camaara iyo nawaaxigeeda, isla markaana howlgalka uu sii socon doono.
Wararkii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidamada DANAB iyo kuwa Galmudug, iyagoona ku doonaya inay ku qabsadan Magaalooyin hor leh.
Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ka socday dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana xusid mudan inay dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah o geystay khasaaro kala duwan.