WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda Puntland oo sheegtay inay qabatay rag lagu tuhmay Al-shabaabnimo & Daacishnimo.

Garoowe (HM)-Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ee loo yaqaano PSF ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka sameeyeen gudaha Boosaaso ayaa waxay ku qabteen rag looga shakisan yahay inay tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Howlgalkan ayaa lagu qabtay labo xubnood iyo agab laga sameeyo qaraxyada, iyadoo ciidamada si taxadar ah ugu guuleysteen inay gacanta ku dhigaan agabkaas.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa lagu sheegay in weli howlgalada lagu adkeynayo amniga uu ka socdo gudaha Boosaaso, gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ka tirsna yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

“Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay laamaha amiga ee Puntland.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay shacabka Boosaaso in wixii xug iyo macluumaad laga helo kooxaha amni darada ku lug leh, inay soo wacaan taleefanka nambarka 388.

Deegaanada buuraleyda Golis ee Gobolka Bari illaa Sanaag ayaa la sheegaa inay ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab iyo Daacish oo weerarada ka soo qaadaan.

SOMALI NEWS

To Top