Boosaaso (HM) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaaka maamulka Puntland saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi, iyadoona lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.
Saraakiil ka tirsan kuwa Puntland oo ka hadlay baaritaanadaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen bistoolado iyo qoryo nooca AK47 ah.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la soo qabtay raggii watay hubkaasi oo gaarayey illaa sideed qof oo la xariinayo kooxda Al-Shabaab.
Laamaha amniga Puntland ayaa haatan baaritaano dheeraad ah ku haya raggaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan inuu baxsaday nin la sheegay inuu horkacayey.
Ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyey amniga Boosaaso, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee maagaaladaasi.
Inta badan waxaa gobolka Bari weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ka geysta kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.