WARARKA SOOMAALI

Cabdiweli Gaas oo maanta si rasmi ah u xaraashay Dekadii Boosaaso iyo Shirkadda DP World oo la wareegtay.

Munaasabad lagu wareejinayo Dekeda Boosaaso ayaa maanta ka dhacday gudaha Dekeda, iyadoo si rasmi ah loogu wareejiyay Dekeda Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, Saraakiil ka socotay DP World, Nabadoono iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Intii ay socotay Xaflada wareejinta Dekeda Boosaaso ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka Dekeda iyo nawaaxigeeda.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa sheegay in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee Dekedda.

Heshiiska Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda DP World ayaa dhigaya in muddo sodon sano ay shirkadda ku sameyso Dekeda dayactir iyo ballaaran, iyadoo la dhisayo deked cusub oo dhirirkeedu yahay 450M

Qiimaha ku baxaya dhismaha iyo dib u habeynta Dekeda Boosaaso ayaa gaaraya lacag dhan 336 milyan oo dollar.

Dekeda Boosaaso ayaa noqoneysa dekedii labaad oo ay la wareegto shirkadda DP World, horay waxay ula wareegtay Dekeda Berbera ee Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top