Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada ugu baaqday inay heshiis ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa kahor Bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalmo kooban naga xigaan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu boggaadiyay Shirka Madaxda Soomaalida ay ku yeesheen Teendhada Afisyooni oo mar kale Madaxda ay Maanta dib u bilaabi doonaan shirarkooda.
Beesha Caalamka ayaa ayaa ku boorrisay in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember..
Halkaan ka Daawo Muuqaalka
