WARARKA SOOMAALI

Banaanbax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Wadajir ee Gobolka ayaa waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax looga horjeeday Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dad kooban oo iusgu jira Haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyagoona banaanbaxooda uga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo iyo qaabka dowladda rabto in lagu qabto doorashada 2021.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawiradda Madaxweynaha, ayna ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Farmaajo, sidoo kalena ku qeylinayay doonimeyno kaligiis telis iyo iyo ha-dhaco Madaxweynaha.

Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu baaqayaan in uusan diidin qabashada doorashada dalka ka dhaceysa, iyagoona xusay in dad Soomaaliyeed aysan dhibaato rabin.

Mid kamid ah dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in aysan dooneynin dadka kaligiis telis horeyna uu ugu dhacay Maxamed Siyaad Barre, isagoona ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho nabad ah oo la isla ogolyahay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay banaanbaxyo looga horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana qaar kamid ah dadkii dhigaayay rasaas ku furay Ciidamo ka tirsan dowladda, taas oo khasaaro geystay.

SOMALI NEWS

To Top