WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Somalia oo Maanta kulan yeelanaya iyo Farmaajo oo hortegaya

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta oo sabti ah kulan gaar ah ku yeelan doona Xarunta Villa Hrageysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay Khudbad jeedin Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu uga hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka dhacaya.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa goor sii horreysay oo shalay aheyd lagu wargeliyay inuu jiro kulan gaar ah oo Madaxweynaha soo codsaday, isla markaana laga doonanayo in Mudanayaasha inay kasoo qeyb galaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka kasoo ambabixi doona halkaas, si uu uga soo qeyb galo kulanka Maanta ee Xildhibaanada, kadib markii lagu kala tegay Shirkii Madaxda uga socday Dhuusamareeb.

Saacadhii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka socday abaabulka kulanka Maanta ee  Xidlhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo ay wadeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda oo doonaya in kulankaas uusan baaqan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyay in aysan jirin kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada oo uu soo codsaday Madaxweyne Farmaajo, hayeeshee waxaa arrintaas ka horyimid Senataro ka tirsan Aqalka Sare oo sheegay inay ka qeyb geli doonaan kulankaas.

SOMALI NEWS

To Top