WARARKA SOOMAALI

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hargeysa Xabsiga loo taxaabay iyo warar sheegaya in lagu hayo Saldhiga…

xarunta Taraafikada ee magaalada Hargeysa waxa ku xidhan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka mid ah maamulka dugsiga Nuuradiin ee gaarka loo leeyahay .

Macallin Siilaanyo ayaa la soo xidhay ka dib markii lagu eedeeyey inuu magaciisu u eegyahay magaca Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo

waxaana la ogaaday magaciisan ka dib markii macallin kale oo ka tirsan dugsiga oo baabuur watay ay lacag ku ganaaxeen ciidamada nabad-gelada waddooyinka ee Taraafikadu ka dibna uu macallin Siilaanyo ka codsaday inuu lacag ugu soo diro Zaad-ka sidaasina ay Taraafikadii ku arkeen magaca Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo .
waxaana xusid mudan in lacagta Zaad-ku lagu diraa ay sheegto qofka oo afaran
Taraafikada ayaa Macallin Siilaanyo ugu tagay dugsiga iyaga oo halkasi ka soo xidhay

waxaana hadda la weydiinayaa siday macallimiin la la shaqaysaa ii sheegeen sababta magaciisa u eekaysiisay ka Madaxweynaha .

Xigasho: Cumar Seerbiya

SOMALI NEWS

To Top